
Xulka qaranka Cameroon ayaa guul ku bilowday koobka Qaramada qaaarada Africa iyaga oo garaacay xulka Burkina Faso kulan xiiso lahaa.
Labada xul ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo mid walba dhankiisa raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka ugu horeeya ee tartanka sanadkan.
Xulka Burkina Faso ayaa nasiib u yeeshay in ku hor maraan goolka iyaga oo daqiqiadii 24-aad u dhaliyay xiddiga Gustavo Sangare kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka.
Laakiin Xulka Cameroon oo dhulkiisa lagu ciyaarayo ayaa laba jibaaray dadaalkii ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha.
Xulka Cameroon ayaa laba rikoodhe helay 5 daqiiqo gudohood waxana u dhaliyay xiddiga Vincent Aboubakar kaas oo xulkiisa hogaanka ugu dhiibay 5 daqiiqo gudohood.