Xulka Qaranka Brazil Oo Guul Weyn Ku Furtay Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka & Roberto Firmino Oo Laba Gool Dhaliyay.

Xulka qaranka Brazil ayaa guul weyn ku bilowday kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo garaacay xulka qaranka Bolivia kulan ka dhacay garoonka Neo Quimica Arena.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa ahaa xiddiga ugu fiican kulanka isaga oo dhaliyay 2 gool intii uu kulanku socday.

Xiddigaha Marquinhos iyo Philippe Coutinho ayaa dhaliyay dhaliyay 2 gool halka uu xiddiga Bolivia ee José Carrasco si khaldan uga dhaliyay gool xulka qarankiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*