Xulka Portugal Oo Garaacay Turkey Kulan Uu Ronaldo Taariikh Sameeyay.

Xulka Portugal ayaa guul ka gaadhay xulka Turkey kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Xulka Turkey ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo Portugal ku qaadayay weeraro halis ah.

Daqiiqadii 21-aad ayuu xiddiga Bernardo Silva dhaliyay goolka furitaanka waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka Portugal ayaa sii waday cadaadiska ay ku hayaan xulka Turkey iyaga iyaga  doonayay in ay dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii  28-aad ayuu xulka Portugal helay goolka 2-aad laakiin waxa si khaldan goolkiisa Uga dhaliyay xiddiga S.kaydin.

Qaybta dambe ayuu xulka Portugal ahaa mid raadinayay in ay dilaan ciyaarta.

Daqiiqadii 58-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/0.

Ronaldo ayaa sameeyay caawinta goolka waxana uu noqday xiddiga ugu caawinta badan taariikhda tartanka.

Waxa sidaas ku dhamaaday ciyaarta oo uu xulka Portugal ku gaadhay guul qaali ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga