Xulka Morocco Oo Bar-Baro Ku Qabtay Croatia Kulan Isku Dheelitirnaa

Kulan isku dheelitiran ayaa ka dhacay garoonka Al Bayt Stadium kana tirsanaa koobka adduunka oo dhexmaray xulalka Morocco iyo Croatia kulan uu xulka ka socda qaarada Africa ka fiicnaa xulka gaadhay Final-ka koobka adduunka 2018.

Xulka Croatia ayaa maamulayay ciyaarta dhinaca kubad haysashada laakiin xulka Morocco ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah iyaga oo marar badan halis galiyay goolka Croatia.

Wixii intaas ka badan labada xul ayaa ahaa kuwo isku dheeli tirsan iyada oo mid walba dhinaciisa u doonayay sidii ay u badan lahaayeen.

Labada xul ayaa helay fursado ay ku dhalin kareen goolal laakiin labada Goolhaye ayaa qabtay shaqo fiican iyaga oo difaacay goolkooda una diiday in ay kubadu gasho.

Kadib ciyaar isku dheelitirnayd labada xul ee Morocco iyo Croatia ayaa ku kala baxay bar-baro 0/0 ah iyada oo xul walba kulanka kala baxay hal dhibic.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*