Xulka Italy Oo Garaacay Xulka Spain Markii 3-aadna Iska Xaadiriyay Final-ka Euro 2020

Xulka Italy ayaa iska xaadiriyay Final-ka Euro 2020 kadib markii ay garaaceen xulka Spain kulan xiiso lahaa kana dhacay garoonka Wembley.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo ay labada xul kala qaybsadeen labada qaybood ee ciyaarta iyaga oo soo bandhigay intii awoodooda ahayd si ay kulanka u badiyaan.

Xulka Italy ayaa qaybtii hore ahaa xulka Fiican isaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal iyaga oo sameeyay fursado fiican oo ay goolal ka dhalin karaan.

Laakiin xulka Italy ayaa ku dhibaatooday goolka hortiisa iyaga oo aan badalin fursadihii ay sameeyeen goolka hortiisa xilli xulka Spain uuna soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Waxa gool la’aan ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada xul wax goolal kala dhalin laakiin xulka Italy ahaa midka fiican dhanka fursadaha.

Qaybtii dambe ayuu Xulka Italy ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo daqiiqadii 60-aad dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federic Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kadib goolka tababaraha xulka Italy ayaa sameeyay khalad weyn isaga oo badaladii uu sameeyay ayna wax saamayn ah ku heelan ciyaarta laakiin uu badalkaas dhiiri galiyay xulka Spain.

Dhanka kale badalkii uu tababaraha xulka Spain sameeyay ayaa saamayn weyn ku yeeshay ciyaarta iyaga la wareegay maamulka ciyaarta kana awood badnaa xulka Italy kuwaas oo difaac galay.

Daqiiqadii 80-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta iyada oo ayna labada xul wax goolal ah kala dhalin mid walba dhankiisa u difaacanayay goolkiisa.

Waxa lagu daray ciyaarta 30 daqiiqo si ay labada xul u kala baxaan midkoodna isaga xaadiriyo final-ka tartanka Euro 2020.

Laakiin labada xul ayaan wax goolal ah ku kala dhalin 30-kii daqiiqo ee lagu daray Ciyaarta waxana sidaas lagu gaadhay rikoodhayaalsi ay labada xul u kala baxaan.

Xulka qaranka Italy ayay guushu ku raacday 4/2 rikoodhayaal ah iyaga oo iska xaadiriyay Final-ka tartanka Euro 2020 iyaga oo sii wada rikoodhkooda cajiibka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*