Xulka Germany Oo Garaacay Iceland Si Qurux Badana Ku Bilowday Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Germany ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay xulka Mayalka adag ee Iceland kulan uu xulka Germany goolal wakhti hore ah kaga naxsaday dhigiisa Iceland.

Kulnaka ayaa ku bilowday mid uu xulka Germany ku bilowday qaab dar-dar leh oo ay doonayeen in ay goolal wakhti hore ah ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 2-aadba xulka Germany ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Laakiin Xulka Germany ayaan halkaas ku joogsan isla daqiiqadii 7-aadba waxa goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 xilli uu xulka Iceland garan laayahay meesha wax ka khaldameen.

Xulka Iceland ayaa qaaday weeraro yar-yar oo aan wax ku ool ahayn kuna doonayeen in ay ciyaarta wax kaga badalaan laakiin daafac xulka Germany ayaan u ogolaan in ay talaabo u qaadaan goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Germany dhigiisa Iceland ku niyad jabiyay laba gool oo deg-deg ah iyo waliba maamulis dhanka ciyaarta ah.

Qaybtii dambe ayuu xulka Germany ku bilowday in uu dilo ciyaarta ka hor inta uuna Xulka Iceland wax fursad ah u helin ku soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 56-aad ayuu xiddiga İlkay Gündoğan u dhaliyay xulkiisa goolka 3-aad ee ciyaara kaas oo nafisiyay xiddigaha xulka maadama ay gacanta ku dhigeen ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Germany guul fudud ka gaadhay xulka Iceland waliba ahayd guul ay u qalmeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*