Xulka France Oo Portugal Ka Reebay Tartanka UEFA Nations League, Germany Oo Garaacay Ukraine & Spain Oo Bar-Baro La Galay Switzerland

Xulka Portugal ayaa bar-baro la galay xulka France kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League halka uu xulka Spain Bar-baro kala kulmay xulka Switzerland Xilli uu xulka Germnay garaacay xulka Ukraine.

Portugal Vs France:

Kulanka dhexmaray labadan xul ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiibka ah oo ay isku qaadayeen.

Xulka Franc ayaa ahaa mid ka halista badan xulka Portugal qaybtii dambe iyada oo uu Goolhayaha Rui Patricio Sameeyay badbaadino cajiib ah oo uu xulkiisa ciyaarta ugu sii hayay.

Inkasta oo ay sameeyeen fursado cajiib ah hadana xulka France ayaan wax gool ah u badalin fursadahaas iyaga oo ku dhibaatooday goolka hortiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican laakiin aanay wax goolal ah kala dhalin.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka France ka midho dhaliyay fursadihii ay helayaan iyaga oo daqiiqadii 53-aad dhaliyay goolkii 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga N’Golo Kante kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa ciyaarta la wareegay xulka Portugal kuwaas oo wax walba ka sameeyay ciyaarta si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha.

Cristiano Ronaldo iyo saaxiibadiis ayaa helay fursado aad u badan laakiin aan wax kubad ah shabaqa dhex dhigin xilli uu xulka France difaacanayay goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay tartanka UEFA Nations League halka uu Portugal ka hadhay tartanka uu difaacanayay kuna guulaystay snaadkii hore

Germany Vs Ukraine 

Xulka Ukraine ayaa daqiiqadii 12-aad gool kaga naxsaday xulka qaranka Germany kulan ka tirsanaa isla tartanka UEFA Nations League.

Laakiin xulka Germany ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay kadib markii uu Leroy Sane daqiiqadii 23-aad u dhaliyay xulkiisa goolka kana dhigay 1/1.

Laakiin Daqiiqadii 33-aad ayuu xulka Germany sii dheeraystay natiijada iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Timo Werner kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Isla Timo Werner ayaa daqiiqadii 64-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta ka dhigay 3/1uu xulka qaranka Germany ku hogaaminayo ciyaarta.

Switzerland Vs Spain:

Dhanka kale xulka qaranka Switzerland oo 10 xiddig ahaa ayaa bar-baro ku qabtay xulka qaranka Spain isla kulan ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.

Arinta la yaabka leh ee kulankan ayaa ah in uu Kabtanka xulak Spain ee Sergio Ramos laga qabtay laba rikoodhe oo loo dhigay xulka qarankiisa.

Daqiiqadii 89-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gerard Moreno kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*