Xulka France Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Belguim, Final-ka UEFA Nations League Ayay Iska Xaadiriyeen.

Kadib kulan xiiso leh oo waali ahaa xulka France ayaa iska xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League iyaga oo balansaday xulka Spain.

Kulanka ayaa ahaa mid labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib waliba ahayd kulan lagu raaxaystay.

Daqiqiadii 37-aad ayuu xulka Belguim dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Yannick Carrasco kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.

Xulka Belguim ayaa daqiqiadii 40-aad sii dhamaystay ciyaarta waxana uu xiddiga Romlu Lukaku u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Qaybtii dambe ayuu xulka France si dar-dar leh u ciyaaray isaga oo raadinayay in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 62-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Xulka France ayaa daqiiqadii 69-aad ku soo laabtay ciyaarta isaga oo u dhaliyay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Xulka Belguim ayaa daqiiqadii ugu dambeeyay dhaliyay gool waxana u dhaliyay xiddiga Romelu Lukaku laakiin oolkaas ayaa la diiday sabab la xidiidha Offside.

Laakiin daqiqiadii 90-aad ayuu xulka Franc dhaliyay goolka 3-aad kaas oo uu u dhaliyay xiddiga Theo Hernandez kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League Iyaga oo la ciyaari doona xulka Spain.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*