Xulka England Oo Garaacay Czech Republic & Croatia Oo Guul Qaali Ah Ka Gaadhay Scotland

Xulka qaranka England ayaa guul dirqi ah ka gaadhay xulka Czech Republic Kulan ka tirsanaa kulankii ugu dambeeyay wareega Group-yada tartanka Euro 2020 halka uu xulka Croatia ayaa guul weyn ka gaadhay xulka Scotland iyaga oo kaalinta 2-aad kaga soo baxay wareega Group-ka.

Xulka England ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan xilli uu xulka Czech Republic ku bilowdeen qaab difaac a.

Daqiiqadii 12-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka England ayaa sameeyay fursado fiican sidoo kale xulka Czech Republic ayaa sidoo kale dhankooda samaysay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin karaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka England Hogaaminayay Natiijada laakiin labada xul isku qaab ciyaareed ahaayeen.

Qaybtii dambe xulka England ayaa si weyn ugu dhibaatooday in ay si fiican u ciyaaraan xilli uu xulka Czech Republic ahaa mid halis badan galinayay xulka England.

Xiddigaha xulka England ayaa u muuqday kuwo daalan iyaga aan samayn fursado fiican oo goolal laga dhalin karo xilli Czech Republic uu raadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Xiddiga Jordan Henderson ayaa gool u dhaliyay xulka England laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga khadka dhexe.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka England sidaas ku gaadhay guushii 2-aad ee tartanka Euro 2020 iyaga oo kaalinta 1-aad kaga soo baxay Group-ka.

Dhanka kale xulka Croatia Ayaa garaacay xulka Scotland kulan ay ku badiyeen 3 gool iyagana laga dhaliyay hal gool kadib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

kadib guushaas xulka Croatia ayaa kaalinta 2-aad kaga soo baxay Group-ka iyaga oo Goolal kaga horeeya xulka Czech Republic.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*