Xulka Difaacanaya Koobka Africa Ee Algeria Oo Wareega Group-yada Looga Reebay Koobka, Ivory Coast Ayaa Garaacday.

Xulka sanadkii 2019 ku guulaystay koobka Africa ee Algeria ayaa si fool xumo leh looga reebay koobka Africa kadib markii ay wareega Group-yada kaga hadheen tartanka sanadkan.

Xulka Algeria ayaa la odhan karaa waxa uu ahaa xulkii ugu xumaa ee tartanka inkasta oo ay leeyihiin xiddigo tayo leh oo waliba cajiib ah  hadana sanadkan ayaan ahayn sanadkoodii.

Kulanka ayaa ku bilowday mid uu xulka Algeria maamulayo ciyaarta xill uu Xulia Ivory Coast ku jiray difaac isla markaas ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 22-aad ayuu xulka Ivory Coast Dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Franck Kessie kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka Ivory Coast Ayaa daqiiqadii 39-aad dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ibrahim Sangare kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa kaan dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta xilli uu xulka Algeria si weyn ugu dhibaatooday ciyaarta waliba aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Daqiiqadii 54-aad ayuu xulka Ivory Coast Dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Arsenal ee Nicolas Pepe kaas oo hogaanla u sii dheereeyay xulkiisa.

Xulka Algeria ayaa helay rikoodhe ay natiijada ku soo yarayn karaan korna ugu qaadi karaan rajadooda laakiin Riyad Mahrez ayaa birta ku dhuftay rikoodhada kana khaasriyay xulkiisa.

Daqiiqadii 73-aad ayuu xulka Algeria dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee tartanka waxana u dhaliyay xiddiga Sofiane Bendebka kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Algeria guul la’aan kaga hadhay tartanka koobka Africa ee sanadkan