Xulka Denmark Oo Iska Xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2020 Kadib Guul Ay Ka Gaadheen Czech Repblic.

Xulka Denmark ayaa iska xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2020 kadib guul ay ka gaadheen xulka Czech Repblic kulan xiiso lahaa oo ay labada xulba si fiican u ciyaareen soona bandhigeen dagaal dhab ah.

Xulka Denmark ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo qaybtii hore ahaa xulka Fiican halka uu xulka Czech Repblic wakhti dambe soo baraarugay oo uu isku dayay in uu ciyaarta ku soo laabto.

Xulka Denmarka ayaa daqiiqadii 5-aad goolka dhaliyay iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Thomas Delaney kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka Czech Repblic ayaa isku dayay in uu ku soo laabto ciyaarta laakiin xulka Denmark ayaa si fiican u difaacday goolkooda.

Xulka Denmark ayaa gool kale dhaliyay daqiqiadii 42-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kasper Dolberg kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Qaybtii dambe ayuu xulka Czech Repblic si dar-dar leh ku biloday iyaga oo daqiiqadii 49-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta dibna u furay rajadooda.

Laakiin xulka Denmark ayaa si waali ah u difaacday goolkooda una diiday xulka Czech Repblic in ay dhaliyaan goolka bar-baraha sidaasna isaga xaadiriyay Semi-final-ka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*