Xulka Brazil Oo Laga Cidhib-tiray Copa America 2024.

Xulka Brazil ayaa isaga haray tartanka Copa America, kadib markii ay Guuldaro rigoorayaal ah kala kulantay Uruguay kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka Copa America.

Kulanka ayaa ahaa mid si xamaasad leh ku bilowday iyada oo labada xulba samaynayaan fursado badan.

Labada xul ayaa sameeyay fursado badan laakiin uma suurtagalin in ay wax gool ah dhaliyaan.

Brazil Iyo Uruguay ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah 90-Kii daqiiqo ee caadiga ahaa.

Waxa ay isla aadeen 30 daqiiqo oo dheeri ah si ay labada xul u kala baxaan.

Xulka Uruguay ayay guushu ku raacday 4/2 waxana ay iska xaadiriyeen Semi-final-ka euro 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga