xulka qaranka Mali ayaa bar-baro ku bilowday koobka Qaramada Afrika 2025 iyaga oo dhaafi waayay xulka Zambiya kulan ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah ciyaar ka dhacday garoonka Mohamed V ee magaalada Casablanca, taasoo ka tirsaneed kulamadii wareegga koowaad ee heerka group-yada.
Qeybtii hore ee ciyaarta, xulka Maali ayaa khasaarshay rigoore, balse wuxuu ku guuleystay inuu hogaanka qabto qeybta labaad kadib gool uu daqiiqaddii 61-aad dhaliyay Lassine Sinayoko.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, xulka Zambiya ayaa helay goolka barbaraha, kadib markii Patson Daka uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 2-aad ee waqtiga dheeriga ah.
Natiijadan kadib, xulka Morocco ayaa hogaaminaya group-ka isagoo leh 3 dhibcood, kadib markii uu badiyay kulankiisii furitaanka.
Xulalka Maali iyo Zambiya ayaa ku jira kaalmaha labaad iyo saddexaad, mid walbana leh hal dhibic, halka xulka Comoros uu ku jiro kaalinta ugu dambeysa isagoo aan wax dhibco ah helin.
Be the first to comment