Xulalka Ilaa Haatan Iska Xaadiriyay Semi-Final-ka EUFA Nations League.

Tartanka UEFA Nations League ayaa leh xiiso aanay horay u lahayn kulamada saaxiibtinimooyinka iyada oo xulalka ka qayb galaya soo bandhigayaan qaab ciyaareed heer sare ah.

Xulka Qaranka Spain ayaa ah xulkii ugu dambeeyay ee iska xaadiriya wareega 4 dhamaadka kadib markii ay xasuuqeen Xulka qaranka Spain.

Dhanka kale xulalka France ayaa sidoo hore u xaqiiqsaday booskoosa wareega Semi-finalka tartanka UEFA Nations League kadib markii ay Axadii garaaceen xulka Portugal.

Laakiin waxa wali isku dhagan xulalka qaar kuwaas oo caawa u dagaalami doona u soo bixista wareega Semi-finalka tartanka UEFA Nations league.

Xulalka Holland & Italy oo isku Group ah ayaa caawa la kala ciyaari doonaa xulalka Bosnia iyo Poland midkooda badiya ayaana iska xaadirin doona wareega xiga.

Dhanka kale xulka Belguim ayaa la ciyaari doona xulka Denmarka sidaas darteed midkooda badiya kulankaas ayaa sidoo kaleiska xaadirin doona wareega xiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*