Xulalka France & Portugal Oo Bar-Baro Ku Kala Baxay & Germany Oo Dhaafi Waayay Xulka Hungary.

Xulalka Portugal iyo France ayaa ku kala baxay bar-baro 2/2 ah kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa Group-ka F ee tartanka Euro 2020 dhanka kale xulka Germany ayaa bar-baro ku dhaafi waayay xulka Hungary kulan dhankiisa xiiso gaar ah lahaa.

Xulka Portugal ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa daqiqiadii 31-aad kadib markii uu gool u badalay rikoodhe loo dhigay xulkisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin xiddiga karim Benzema ayaa u jawaabay goolka bar-barahana u dhaliyay xulkiisa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybta hore ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 1/1.

Qaybtii dambe ayuu xiddiga Karim Benzema mar kale dhaliyay gool isaga oo xulkiisa u dhiibay hogaanka markan kaan dhigay ciyaarta 2/1 uu xulka France ku hogaaminayo.

Laakiin daqiiqadii 60-aad ayuu xulka Portugal helay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Cristaino Ronaldo kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay xulkiisa.

Dhanka kale xulka Germany ayaa bar-baro 2/2 ah la galay xulka Hungary kaas oo si geesinimo leh uga hadhay tartanka Euro 2020 isaga oo laba jeer gool uga hor maray xulka Germany.

Laakiin ugu dambayn xulka Germany ayaa dhaliyay laba jeer bar-baraha waxana ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 2/2 ah taas oo la macno ah in xulalka France, Portugal iyo Germany ka soo bexeen Group-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*