Xulalka England, Denmark & Germany Oo Ku Hanjabay In Ay Ka Baxaan Koobka Adduunka, Sabab.

Xulalka England, Denmark & Germany ayaa xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ugu Hanjabaya in ay ka baxaan koobka adduunka Qatar 2022.

Xulalka England, Denmark & Germany ayaa bilowday koobka adduunka iyada oo uu xulka England guul ku bilowday tartanka halka xulalka Denmark bar-baro ku bilowday ka hor inta aan laga badin Germany.

Laakiin 3-daad xul ayaa FIFA ugu hanjabay in ay ka bixi doonaan koobka adduunka kulamada uga dhiman koobka adduunka Qatar 2022.

Shabakada SceenMix ayaa sheegtay in ay xulalka kor ku xusan FIFA ugu Hanjabeen in ay ka baxaan tartanka koobka adduunka haatan socda.

Sababta ay xulalkaas ugu Hanjabeen FIFA ayaa ah in loo diiday in ay xidhaan calaamada Qoomu-luudka inta uu socdo koobka adduunka maadama Qatar yahay dal muslim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*