Xulalka Belguim & Portugal Oo Lagu Dhagay & Natiijooyinka Kale Ee Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka Portugal ayaa bar-baro la galay 10 xiddig oo xulka Serbia ah kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka halka uu xulka Belguim dhankiisa bar-baro ku dhaafi waayay xulka Czech Republic.

Xulka Portugal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican qaybtii hore ee ciyaarta xilli xulka Serbia ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho ciyaarta qaybtii hore.

Daqiiqadii 11-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo gool madax ah u dhaliyay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka Portugal ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal kale iyaga oo halis badan galiyay daafaca xulka Serbia.

Daqiqiadii 36-aad ayuu Xulka Portugal sii dheeraystay hogaanka ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Portugal u muuqday mid guul weyn ka gaadhaya kulanka.

Laakiin qaybtii dambe ayay wax walba is badaleen iyada oo uu xulka Serbia qaybtii dambe ahaa midka fiican kana awooda badan xulka Portugal kuwaas oo aan si fiican u ciyaarin qaybtii dambe.

Daqiiqadii 46-aad ayuu xulka Serbia dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxanau dhaliyay xiddiga Aleksandar Mitrovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu xulkiisu ugu soo laabtay ciyaarta.

Xulka Serbia ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 60-aad dhaliyeen goolka 2-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Filip Kostic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul bar-baro ku kala bexeen kulanka kuna kala qayb sadeen dhibcaha kulanka.

Dhanka xulka Belguim ayaa ba-baro 1/1 ah la galay xulka Czech Republic kulan ay laabda xul sidoo kale kala qaybsadeen dhibcaha kulanka.

Natiijooyinka kale ee kulamada caawa;

Russia 2-1 Slovenia

Montengegro 4-1 Gilbraltar

Croatia 1-0 Cyprus

Belarus 4-2 Estonia

Ireland 0-1 Luxembourg

Slovakia 2-2 Malta

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*