Xulalka Argentina Iyo Spain Oo Ku Kulami Doona Dalka Qatar.

UEFA iyo CONMEBOL ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in kulanka u dhexeysa Spain iyo Argentina lagu ciyaari doono Garoonka Lusail ee Qatar, Jimce, 27-ka March 2026, saacadda 9:00 fiidnimo (waqtiga maxalliga ah).

Ciyaartu waxa isku arki doona Spain, oo ku guuleysatay Euro 2024 iyo xulka Argentina, oo ku guulaystay Copa América 2024.

Lionel Messi ayaa hogaamin doona xulka Koonfur Ameerika, halka Lamine Yamal uu fursad u heli doono inuu la ciyaaro macallinkiisa isaga oo matalaya Spain.

Kulankna waxay sii wadeysaa dhaqanka isku keenaya xulka ugu fiican Yurub iyo kan ugu sarreeya Koonfur Ameerika, kaddib markii ay kuleen sanadkiin2022 oo ay Argentina ku guuleysatay.

Taageerayaashu waxay filan karaan kulan xawaare sare leh oo weerar badan, maadaama labada xulba ay leeyihiin xiddigo ka buuxa dhammaan boosaska.

Garoonka Lusail, oo ka mid ah garoomada ugu caansan Qatar, ayaa martigelin doona kulan la filayo inuu noqdo bandhig cajiib ah oo kubadda cagta caalamiga ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga