Xogta Laga Diwaan Galiyay Bilaabashada Xun Ee Man United Ee Premier League.

Kooxda Man United ayaa horay u soo martay wakhti xun laakiin xaalkeedu uma xumaan sida ay haatanyihiin.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa wakhti adag ku qaatay United intii uu xugaaminayay laakiin xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii ugu xumaa ee bilaabashada xilli ciyaareedka.

Kooxda Man United ayaa ciyaartay 3 kulan waxana ay heshay kaliya 3 dhibcood iyaga oo laga dhaliyay 11 gool oo horyaalka premier League ah.

United ayaa guuldaro la kulantay kooxaha Crystal Palace iyo Tottenham iyaga oo guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Brighton.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xogta ceebtu ku jirto ee ay United diwaan gashatay horyaalka premier League.

1.Goolasha ugu badan ee la qaabilay kadib 3 kulan oo la ciyaaray horyaalka:

Man United ayaa laga dhaliyay 11 gool 3-dii kulan ee ay ciyaartay waxana cel-celis ahaan laga dhaliyay 4 gool kulan kasta waana goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyay United kadib 3 kulan oo premier League.

Kooxda Fulham oo aan wax guul ah gaadhin waliba ugu cad-cad in ay horyaalka ka hadho ayaan xitaa laga dhalin goolasha laga dhaliyay Man United.

2.Sidii Ugu Xumayd ee ay Ku Bilaabatay Garoonkeeda:

Solskjaer ayaa laga helaya buuga taariikhda kadib markii ay United markii 5-aad ee taaariikhda Man United guuldaro la kulantay 2-dii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka prmeier League.

3.Daafaca Ugu Xun:

Man United ayaa daafaca galisay lacag dhan 200 oo milyan laakiin United ayaa ku jirta kaalinta 16-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Man United ayaa ku dhibaatoonaysa dhanka daafaca tan ilaa markii uu bilowday horyaalka prmeier League xilli ciyaareedkan.

4.Weerarka Oo Dhibaatoonaya:

Kooxda Man United ayaa dhankeeda ku dhibaatoonaysa weerarka ilaa haatan horyaalka premier League xili ciyaareedkan.

Xiddigaha uga ciyaara Man United weerarka ayaa kaliya 9 kubadood la helay goolka hadii ay gool ka dhaliyeen ama uu goolhayuhu ka qabtay 3-dii kulan ee uu ciyaaray horyaalka premier League.

5.Baas khaldamaya:

Man United ayaa haysata xiddigaha ugu fiican khadka dhexe yurub laakiin Xogta ayaa muujinaysa in ay Man United ku dhibaatootay khadka dhexe ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

United ayaa kaliya dhiibtay 152 baas oo sax ah kulamada ay ilaa haatan ciyaartay horyaalka premier League taas oo cel-celis ahaan la macno ah 50.7 kulan kasta.

Sii Akhriso: Madaxweynah Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Golaha Wakiilada Ee 15-ka Sano Xilka Ka Haya Dalka.

3 Comments

  1. Bal waxaad ku sheekaynaysaan eega imikiyo wabad kasii daraysaan man united iyo Liverpool waa isku mid goolasha laga dhaliyey ee hal koox haku dhagina

  2. Sxb liverpool 8 ayaa laga dhaliyey 7 goal astovila ah iyo hal gool oo arsenal ah. Teedakale liverpol halmar baa laga badiyey lkn united 3 kulan ba si bahdilaad ah ayaa looga badiyey laba kulan kulanka kalana waad ogeyd mucjisay ku badisay. Takle eeg goilasha ay united ka dhlisay horyaalka adaa xishood doonee

  3. Md illowday 3dii gool e Leeds United wagar.

    Xaqiiqda aya ah Liverpool iyo Man utd labadaba min 11 gool aya laga dhaliyay taas o ku tusinaysa daafac xumida labadan kooxood e xilliciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*