XOG: Xiddigaha Kaadhka Cas Ee Ugu Badan Loo Taagay Ee Haatan Ciyaara Kubada Cagta.

Horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan ayaa la joojiyay sabab xidhiidha xanuunka Coronavirus waxana uu wargayska MARCA soo saaray xog uu ku soo saaray xiddigaha haatan ka ciyaara horyaalka La Liga ee loo taagay kaadhka cas ee ugu badan.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ah xiddiga taariikh ahaan ugu badan ee loo taagay kaadhka cas horyaalka La Liga hadii ay tahay xiddigaha haatan ciyaara ama xiddigaha wakhti hore ka fadhiistay.

Sergio Ramos ayaa loo taagay 20 kaadh oo casaan ah horyaalka La Liga isaga oo rikoodh ku dhigay noqdayna xiddiga ugu badhan ee loo taagay kaadhka casaanka ah taariikhda horyaalka La Liga.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha kaadhka cas ee ugu badan loo tagay ee haatan jooga horyaalka La Liga:

  1. Sergio Ramos: 20 Kaad Cas
  2. Aritz Aduriz: 9
  3. Victor Sanchez: 7
  4. Fabian Orellana: 7
  5. Gerard Pique: 7
  6. Ivan Ramis: 6
  7. Facundo Roncaglia: 6
  8. Ever Banega: 6

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*