XOG: Xiddigaha Caawinta Ugu Badan Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Horyaalka premier League ayaa lagu jiraa gab-gabadiisa iyada oo kaliya hadheen 4 kulan kadib markii 34 kulan la ciyaaray xilli ciyaareedka 2019/2020.

Inta badan waxa ay taageerayaasha iyo Akhristayaasha kubada cagtu si weyn ula socdaan tartanka gool dhalinta kaas oo sanad walba xiiso gaar ah leh horyaalka premier League.

Laakiin waxa jira xiddigo aan jeclayn gool dhalinta laakiin ka doorbida in ay caawiye ka noqdaan goolasha kuwaas oo ku tartama caawinta goolasha horyaalka premier League.

Xiddig kooxda Man City ee Kevin De Bruyne Ayaa ah xiddiga caawinta ugu badan sameeyay premier League xilli ciyaareedkan isaga oo caawiye ka noqday 18 gool.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee daafaca ka ciyaara ee Trent Alexander-Arnold kaas oo caawiye ka noqday iyada oo ay ku xigaan xiddigaah Liverpool ee Andy Robertson iyo Mohamed Salah oo min 9 caawiye ka noqday.

Halkan Hose kaga bogo xiddigaha caawinta ugu badan sameeyay premier League xilli ciyaareedkan:

  1. Kevin De Bruyne (18)
  2. Trent Alexander-Arnold (12)
  3. Andrew Robertson (9)
  4. Mohamed Salah (9)
  5. David Silva (9)
  6. Son Heung-Min (9)
  7. Adama Traore (9)
  8. Harvey Barnes (8)
  9. Riyad Mahrez (8)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*