XOG: Waa Maxay Dhacada Hal Mar Dhacday Koobkii Adduunka Ee 2018 Laakiin Hataan Durba 3 Jeer Dhacday Inkasta Oo Lagu Jiro Wareegii Hore Ee Koobka Adduunka.

Koobka adduunka ayaa maraya wareegii hore ee tartanka iyada oo ayna xulalka qaar wali ciyaarin kulamadoodii hore ee tartanka.

Laakiin koobka adduunka sanadkan ayaa durba dhaafay dhacdo ka hal mar oo kaliya ka dhacday guud ahaan koobkii adduunka ee sanadkii 2018.

Koobkii adduunka ee lagu qabtay Dalka Russia waxa bar-baro la galay kaliya Hal kulan guud ahaan tartanka intii uu socday.

Laakiin inkasta oo wali lagu jiro wareegii hore ee tartanka koobka adduunka ka socda dalka Qatar ayaa durba bar-baro la galay 3 kulan.

Xulalka Poland Vs Mexico, Denmark Vs Tunisia Iyo Morocco Vs Croatia ayaa ah kulamada ilaa haatan bar-baraha lagu kala baxay koobka adduunka isla markaas la kala badin waayay.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*