Xog : Pogba Oo Hishiiskiisa United Kordhiyay Xilli United Ay Real U Bandhigeen Hishiis Isweydaarsi

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Man united ay kordhsisay hishiiska Pogba ee kooxdaas ayna gaarsiiyeen illaa iyo xagaaga 2022-ka .

Arintaan ayaan noqoneyn mid la yaab leh maadaama hishiiska Pogba uu ku jiray qodob xusaya in sanad dheeraad ah uu ku dari karo xilli midkiisa haatan uu dhacayay xagaaga 2021-da.

Inkastoo hishiiska la kordhiyay hadana taasi micnaheedu ma aha in aan Pogba la iibin doonin waxa ayna United ka baaran degayaan in in laacibkaas ku waayaan qaab xor ah .

Si waliba, wargeyska The Sun ayaa qoraya in United ay damacsan yihiin in Real ula tagaan hishiis is weydaarsi oo ay Pogba ugu dirayaan kooxda Real b halka dhankooda ay doonayaan Valvarde

Inkastoo Real qiimo aan loo dhawaan karin ay dul dhigen Fede Valverde hadana marka la eego xiisaha Zidane ee Pogba waa suura gal in hishiis is weydaarsi ay timaado

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*