Xog : Messi Imisa Guul Ayuu Ka Gaaray Atletico Marid, Waana Sidee Rajada Barca Marka Messi Uu Joogo Kulankaas.

Barcelona ayaa kulan muhiim caawa la leh kooxda kooxda Atletico Madrid oo ay wada leeyihiin kulan tirsan wareegga 10-aad ee La Ligaha .

Wargeyska El Mundo Deportivio ayaa qoraya in Messi oo jooga kulankaas laga filan karo Barcelona guul marka la eego in laacibkaas inta badan uusan ku hor kufin Atletico

Wargeyskaas ayaa sheegaya in in Messi uusan Atletico guul darro kala kulmin 20 kulan oo La Ligah ah.

Waxaa la xusayaa in markii ugu dambeysay ee Messi uu guul darro kala kulmo Atletico ay aheyd bishii labaad ee sanadkii 2010-ka

Guud ahaan Messi waxa uu Atletico Madrid ka hor tagay 41 kulan dhamaan tartamada , 24 jeer waa uu ka guuleystay , 10 bar bar dhac ah halka uu ku hor kufay 7 jeer xilli kulamadaasna uu kaga dhaliyay 32 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*