XOG: Liverpool Oo Qabatay Shaqo Ayna Qaban Kooxihii Premier League Ku Guulaystay 10-kii Sano Ee La Soo Dhaafay.

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib guuldaradii Man City ka soo gaadhay Chelsea kulan ka tirsanaa premier League.

Reds ayaa loo caleemo saaray ku guulaysiga horyaalka Premier League iyada oo 7 kulan ka hadhsantahay dhamaadka xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kooxda Liverpool aya wax weyn kaga duwanayd kooxihii 10-kii sano ee la soo dhaafay ku guulaystay horyaalka premier League.

Waxa ay Liverpool kaga duwanayd kooxihii hore ee ku soo guulaystay horyaalka ayaa ah dhanka suuqa xagaaga iyada oo ayna Reds lacag badan suuqa galin xagaagii hore ka hor bilowgii xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa xagaagii hore suuqa galisay kaliya lacag dhan 8.6 milyan euro taas oo ah rikoodh marka loo bar-bar dhigo kooxihii hore ee ku guulaystay horyaalka premier League.

Hadaba Sawirkan hoose kaga bogo lacagta ay suuqa galiyeen kooxaha ku guulaystay premier League Liverpool iyo kooxihii ka horeeyay.

No photo description available.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*