XOG: Liverpool Oo Kaligeed Ka Guulo Badan Man United & Arsenal Oo La Isku Daro

Kooxda Liverpool ayaa xilli ciyaareedka 2019/2020 ka baxaday abaarta Horyaalka Premier League iyada oo loo caleemo saaray horyaalnimada England ee xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa meel cidlo ah kaga tagtay kooxaha kale ee premier League iyaga oo 23 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka xilli ciyaareedkan xilli ay wali kulamo u Hadhsanyihiin.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Reds kaligeed ka guulo badan tahay guulaha kooxaha Man United iyo Arsenal oo la isku day horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa badisay 29 ka mid ah 33 kulan oo ay ciyaartay horyaalka premier League Halka ay Man United guul gaadhay 15 kulan oo ka mid ah 33 kulan oo ay ciyaartay.

Arsenal ayaa iyadu kaliya badisay 12 kulan oo ka mid ah 34 kulan oo ay ciyaartay marka lagu daro kulankii ay bar-baraha la gashay Leciester City xalay.

Sidaas darteed Reds ayaa badisay 29 kulan halka guulaha Man United iyo Arsenal marka la isku daro tahay 27 guul xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*