XOG: Liverpool Oo Hogaaminaysa Kaliya 5 Koox Oo Aan Wali Wax Guul Ah Ku Gaadhin Garoonkooda Sanadka 2021 Horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa sii wada natiijooyinka xun ee garoonkeeda kadib guuldaro weyn oo ay kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro 4/1 ah kala kulantay Man City kulan ka dhacday Anfield kana tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka Prmeier League.

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda ku ciyaartay Anfield 4 kulan horyaalka premier League sanadka 2021 waxana ay la kulantay 3 guuldaro iyo hla bar-baro.

Shabakada Opta ee xogta uruurisa ayaa sheegtay in ay Liverpool ka mid tahay 5 kooxood oo aan ilaa haatan wax guul ah ku gaadhin garoonkeeda sanadka 2021 horyaalka premier League.

Kooxaha Fulham, Leeds United, West Brom iyo Everton kuwaas oo aan wali wax guul ah ku gaadhin garoonkooda sanadka 2021 horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*