Xog La Yaab Leh: Waa Kuwee 14-ka Xiddig Ee Liverpool U Ciyaara Ee Aan Wax Guuldaro Ah Kala Kulmin Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa shaki la’aan ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub labadii sano ee ugu dambeeyay.

Kadib 4 sano oo uu soo dhisayay kooxda Jurgen Klopp ayaa mar kale Liverpool ka dhigay koox laga cabsado yurub.

Tababaraha reer Germany ayaa Reds ku hogaamiyay horyaalka kadib 30 sano waxna ay xilli ciyaareedkan u dagaalamayaan in ay difaacdaan horyaalka.

Klopp iyo Liverpool ayaa dhawaan u dabaal dagay rikoodh cajiib ah kadib markii aan Reds laga badin 64 kulan oo ay ku ciyaareen Anfield Horyaalka premier League.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay garoonka Anfield ayaa ahaa garoon ay adagtahay in guul lagala yimaado gaar ahaan horyaalka premier League.

Xaqiiqad ayaana ah in aan Liverpool looga badin garoonkeeda 3 sano iyo iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee Anfield ka soo gaadha premier League ahayd April 2017 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Crystal palace.

Tan ilaa wakhtigaas Reds ayaa guul gaadhay 53 kulan oo ka mid ah 64 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Anfield.

Waxa intaas sii dheer in ay jiraan 14 xiddig oo kooxda Liverpool ah kuwaas oo aan wax guuldaro ah kala kulmin Anfield ilaa haatan intii ay joogeen kooxda Liverpool horyaalka premier League.

Xiddigahaas ayaa kala ah:

Alisson Becker, Adrian, Virgil van Dijk, Andy Robertson, Fabinho, Alex Oxlade-Chamberlain, Naby Keita , Xherdan Shaqiri, Sadio Mane, Mohamed Salah, Taki Minamino, Neco Williams, Curtis Jones & Diogo Jota

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*