XOG La Yaab Leh: Real Madrid Guul Ma Gaadho Marka Uu Ka Maqanyahay Halkan Xiddig.

Milan (Italy), 25/11/2020.- Real Madrid's Rodrygo (C) jubilates with his teammates after scoring during the UEFA Champions League Group B soccer match between Inter and Real Madrid at Giuseppe Meazza stadium in Milan, Italy, 25 November 2020. (Liga de Campeones, Italia) EFE/EPA/MATTEO BAZZI

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday xog la yaab leh oo ku saabsan xiddiga da’yarka ah kooxda Real Madrid ee Vinícius Júnior kaas oo uu qaab coyreedkiisu soo fiicnaanayo todobaadyadii ugu dambeeyay waliba Tababare Zidane ku qanciyay in uu qaab joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

Vinícius Júnior ayaa wali la kulma dhaleecaynx xoogan oo ku saabsan luminta fursadaha fudud laakiin sidoo kale waxa uu la kulmaa amaan ku saabsan sida uu u dhaafo daafacyada kooxaha kale una sameeyo fursado gool dhalin oo cajiib ah.

Wargayska AS ayaa sheegay in uu xiddiga Vinícius Júnior dib u helay qaab ciyaareediisii fiicnaa kulamadii uu dambeeyay waliba kooxda Real Madrid ka caawiyay in ay guulo gaadhay.

Si aan u ogaano muhiimada Vinícius Júnior ee Real Madrid kulamadii ugu dambeeyay waxa ay kooxdu ciyaartay 11 kulan oo kala duwan waxana uu xiddigu ku bilowday 8 kulan kooxda ayaana dhamaan kulamadaas badisay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in 3-dii kulan ee uuna xiddiga Vinícius Júnior ku bilaaban shaxda Los Blancos waxa ay kooxdu la kulantay 2 bar-baro iyo guuldaro iyaga oo aan wax guul ah gaadhin.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*