
Kooxda Liverpool ayaa 30 sano kadib ku guulaystay horyaalka premier League iyaga oo 18 dhibcood kaga qaaday kooxda Man City.
Laakiin xogta la yaabka leh ayaa ah in Goolhayaha Liverpool ee Alisson sameeyay caawin gool oo la mid ah Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling.
Waxa intaas sii dheer in uu Sterling ciyaaray kulamo ka badan Goolhayaha reer Brazil kaas oo dhaawacyo kaga maqnaa kooxda Liverpool bilowgii xilli ciyaareedka.
Sababta ay la yaabka u noqotay ayaa ah in Alisson ka ciyaaro goolka halkauu Sterling yahay xiddig ka ciyaara weerarka gaar ahaan garabka.
Be the first to comment