Xog Ka Cusub Mustaqbalka Van Dijk Iyo Fabinho Ee Qalcadda Anfield

Liverpool ayaa lagu waramayaa in ay diyaarinayaan qorshe hishiis cusub oo qaali ah ee ay uga saxiixinayaan xiddigaha kala ah Van Dijk iyo Fabinho , sida laga so xiganayo wariyaha ku xeel dheer arimaha suuqa ee Fabrizio Romano.

Labada laacib ayaa haatan ka sheeganaya dhaawac  xilli  Van Dijk uu muddo ka maqnaanayo garoomada .

Sidaas oo ay tahay , maamulka Liverpool ayaa la xusayaa in ay isla meel dhigeen in labadaas laacib qalinka iyo warqadda is dul saaran ka hor inta sanadka cusub uusan bilaaban

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Van dijk dhankiisa wada xaajoodka haatan sii biloowdeen  waliba Liverpool ay rajeyneyso in ka saxiixdan hishiiska cusub biloowga bisha March

Dhanka Fabinho waxa ay Liverpool damacsan tahay in qalinka iyo warqadda hor dhigaan marka laga soo laabto  fasaxa ciyaaraha heerka caalmi .

Waxaa xusid mudan in labada laacib hishiiskooda uu dhacayo xagaaga 2023-ka balse waxaa la doonayaa in muddo lagu hayo qalcadda Anfield , waxa ayna labada laacib ka mid yihiin xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*