Xog Ka Cusub Mustaqbalka Sergi Roberto Ee Camp Nou Xilli Man City Dooneyso Saxiixiisa

Barcelona ayaa lagu waramayaa in ay ku rajo weyn yihiin in hishiis cusub ka saxiixdaan da`yarkooda Sergi Reberto

Barca waxa ay dadaal ku bixinayaan in ay albaabka ka xertaan kooxaha xiiseynaya saxiixiisa sida Man City

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in  Barca doonayaan in ay laacibka ka saxiixdaan hishiis cusub oo gaaraya laba sano dheeraad ah

Laacibkaas dhaawacyada u nuglaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu u saftay Barca 20 kulan dhamaan tartamada

Laaicbka cusub ee Sergino Dest  ayaa yareeyay fursadihii laacibka ee shaxda asaasiga  waxa uuna qanadaraaskiisa haatan dhacayaa sanadja dambe

Roberto ayaa  Barca la jooga tan iyo 2006-dii xiligaas oo ka soo muuqday akdeemiyada kooxdaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*