Xog Ka Cusub Mustaqbalka Messi Ee Barcelona , Hishiis Ma Saxiixayaa Mise?

Waxaa lagu waramayaa in Messi uu ogalaaday in qalinka iyo warqadda uu is dul saaro ka dib wada xaajood muddo soo jiitay

Wariyaha reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa soo xiganayaa in Messi ogalaaday in uu saxiixo hishiis gaaraya laba sano , isla markaana hishiiskaas lagu dhawaaqayo todobaadka dambe

Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay Barca 38 gool dhamaan tartamada ay ku jirtay kooxda oo ay ka ciyaartay 47 kulan

Maadaama hishiiskiisa haatan uu  ku siman yahay   bishaan waxa ay warar badan tilmaamayeen in uu baxayo waliba Man City iyo PSG ayaa lala xariirinayay saxiixiisa .

Messi waxa uu saxiixayaa hishiis gaaraya illaa iyo 2023-ka  waxaana lagu dhawaaqayaa in todobadka

Messi ayaa Barac u dhaliyay 672 gool  halka 305 caawinna uu sameeyay ka dib 778 kulan oou saftay Barca dhamaan tartamada

 

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*