Xog Ka Cusub Baacsigii Chelsea Ee Ronaldo, Go`aanka Waa Cad Yahay

  1. Kooxda chelsea ayaa gaadhay go’aan adag oo ku saabsan suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mustaqbalka Ronaldo ayaa si weyn loo hadal hayaa ka dib  warbixinnada saxafada muddooyinkan dambe ay soo daabaceen, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ku wargeliyay madaxda Manchester United rabitaankiisa ah inuu ka tago xagaagan, haddii dalabka ku habboon la helo.

37 jirka reer Portugal ayaa ilaa wakhtigaas lala xiriirinayay kooxo badan sida Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Barcelona, ​​​​Atletico Madrid, iyo sidoo kale Chelsea.

Wakiilka Ronaldo, Jorge Mendes, ayaa horaantii bishaan la kulmay milkiilaha cusub ee Chelsea, Todd Boley, iyagoo ka wada hadlay suurta galnimada  ah in ciyaaryahankii hore ee Real Madrid inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Wargeyska Ingariiska ee “Daily Mail” ayaa soo wariyay in Todd Boelly uu aad u doonayay inuu kala hadlo arrintaas  tababaraha Chelsea Thomas Tuchel, si uu u ogaado ra’yiga Jarmalku ka qabo suurtogalnimada qandaraaska Ronaldo.

Waxa uu wargeyskaas sheegaya in ka dib wada tashi gudaha Chelsea ah ay go`aan ku gaareen in  aan  baacsan Ronaldo lana iska indho tiro fikradda ah in Chelsea la keeno xagaagaan

Macalinka Chelsea ee Tuchel ayay muhiimadiisa tahay in uu diirad saaro wada jir koox ahaan halka uu eegi lahaa shaqsi shaqs , waxa uuna u arkaa in Raheem  ahaa mid waafaqsan siyaasadda malaiyadda Chelsea ee suuqa .

Xaqiiqdii, waxaa sidoo kale jirtay aragti ah in imaatinka Ronaldo laga yaabo in uu yareeyo muhiimada Sterling, kaasoo Chelsea ay u aragto inuu yahay shaqsi ku fiican hogaaminta qolka labiska.

Balse guud ahaan Imaatinka Ronaldo ayaa shaki la’aan siin doona Chelsea dhaq-dhaqaaq ganacsi oo degdeg ah, laakiin waxaa la rumeysan yahay in go’aanka loo qaatay sababo la xiriira kubadda cagta