Xog Ka Cusub Baacsiga Bayern Munich Ee Saxiixa Sadio Mane

Mustaqbalka Sadio Mane ee Liverpool ayaa si dhab loo ogaanayaa marka beri finalka Champion-ka ciyaaraan inkastoo warar badan tilmaamayaan halka uu noqon doono.

Kaliya sanad ayaa ka harsan hishiiska Mane ee Liverpool waxaase la xaqiijinayaa in uu jiro xariir u dhaxeeya laacibka iyo kooxda Bayern Munich sida wargeyska L’Équipe ee France uu qorayo.

Munich ma aysan qarin xiisaha ay u qabaan laacibka waxa ayna sheegeen in ay doonayaan in ay helaan xagaagan

Munich waxa ay u bandhigeen Mane hishiis gaaraya sedex sano ah waxaana la filayaa in ay uga baxdo aduun gaaraya 30 milyan oo euro

Munich waxaa dhankooda laga yaabaa in uu ka tago Robert Lewandowski kaasi oo laga doonayo dhanka Barcelona wax aayna u arkaan wiilka Liveprool mid booskaas buuxin kara .