Xog : Goorma Ayaa Barcelona Ugu Dambeysay Guul-darro Ay Kala Soo Laabtaan Garoonka Getafe?

Barcelona ayaa caawa kulan xiiso leh waxa ay la ciyaarayaan Getafe kaasi oo ka tirsan La Ligaha xilli garoonka Coliseum Alfonso Pérez uu yahay mid Barcelona ay ka hesho

Barcelona ayaa rikoor wacan ku leh garoonkaas marka la eego dhanka guulaha , hadaba waa goorma xilligii ugu dambeysay Barcelona guul-darro kala soo laabtaan garoonkaas.

Sida bogga Opt sheegayo , Barcelona oo ku soo guul dareysata garoonkaas Getafe waxaa ugu dambeysay 9 sano ka hor gaar ahaan 26-kii November ee 2011-kii xilligaas oo looga soo badiyay hal gool oo nadiif ah .

Waxaana xusid mudan in Messi , Sergio Busquets iyo Gerard Piqué ay yihiin ciyaartooyda Barcelona haatan ee kulankaas qeyb ka ahaa waxaana waqtigaas hogaaminayay tababare Pep

Tan iyo mudadaas , Barcelona waxa ay garoonka Cetafe ku soo ciyaareen 8 kulan oo 7 ka mid ah La Ligaha uu yahay iyo hal Cope Del Rey ah waa ayna badiyeen dhamaan marka laga reebo hal kulan oo ay bar bar dhac bilaa goolal ah galeen

Sidoo kale Barcelona waxa ay 8-daas kulan ku dhaliyeen 19 gool halka dhankooda ay qaabileen kaliya 5 gool

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*