
Xiddiga Garabka uga ciyaara Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii 2-ad ee Real Madrid kadib markii uu 2019 kaga soo biiray chelsea.
Eden Hazard ayaa labada sano ee uu joogay ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda intii uu joogay.
Wargayska AS ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay bilowgii labada xiddig markii ay ku soo biireen kooxda Real Madrid.
Is bar-bar dhiga ayaa ahaa labadii sano ee ugu horeeyay ee labada xiddig markii ay ku soo biireen Real Madrid.
Gareth Bale ayaa labadii sano ee ugu horeeyay Real Madrid u dhaliyay 32 gool tartamada oo dhan halka uu Hazard ilaa haatan kooxda u dhaliyay 3 gool.
ha iloobin Gareth bale wuxuu real Madrid u ciyaarayey cr7 era 😅