
Kooxda Arsenal ayaa rikoodh xun ka dhigtay premier League xilli ciyaareedka kadib bar-barihii ay la gashay kooxda Leciester City kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League.
Kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta qaybtii hore laakiin Leiceter City ayaa bar-baraha dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyada Arsenal ku qabatay bar-baro niyad jab leh.
Kadib bar-barahaas kooxda Arsenal ayaa bar-baro gashay 14 kulan oo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo ah kooxda ugu badan ee bar-baraha gashay.
Kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa ah kooxda 2-aad ee bar-baraha ugu badan gashay premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo bar-baro galay 13 kulan.
Waxa ku xigta kooxda Sheffield United kuwaas oo bar-baro galay 12 kulan waxa ku xigta kooxda Brighton & Hove Albion kuwaas oo iyaganu bar-baro galay 12 kulan.
Kooxaha Watford iyo Man United ayaa ku xiga kuwaas oo bar-baro galay min 10 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan.
- Arsenal: 14 bar-baro
- Wolves: 13
- Sheffield United: 12
- Brighton & Hove Albion: 12
- Man United: 10
- Watford: 10
Be the first to comment