XOG: Arintan Ma La Macno Tahay In Ayna Barcelona Ku Guulaysan Doonin Horyaalka, Taariikhda Ayaa Macalin Ah.

Kooxda Barcelona ayaa guuldaro kale kala kulantay Real Madrid horyaalka La Liga taas oo la macno ah in ay Los Blancos laba jeer garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona horyaalka La Liga.

Guuldarada ayaa Barcelona ka soo gaadhay garoonka Alfredo Di Stefano Stadium iyada oo ay labada gool dhaliyeen xiddigaha Karim Benzema iyo Toni Kroos halka uu Barcelona goolka u dhaliyay xiddiga Óscar Mingueza.

Fursadaha Barcelna ee ku guulaysiga horyaalka ayaa hoos u dhaadhacday kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda ay xafiitamaan ee Real Madrid kuwaas oo soo nooleeyay fursadohooda ku guulaysiga horyaalka.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ayna kooxda Barcelona marna ku guulaysan horyaalka La Liga marka ay laba guuldaro kala kulanto kooxda Real Madrid horyaalka La Liga.

Xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee ay Barcelona guuldaro kala kulantay Real Madrid labada kulan ee El Clasico waxa ay ahayd xilli ciyaareedkii 2007/2008 iyada oo Barcelona ku dhamaystay kaalinta 3-aad halka a Real Madrid ku guulaystay horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*