XOG: Arintan Ma La Macno Tahay In Ay Real Madrid Ka Hadhi Doonto Champions League Caawa, Taariikhda Ayaa Tusaale Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Chelsea kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Kulankii Lugtii hore ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah oo ay labada kooxood ku kala bexeen taas oo la macno ah in ay Chelsea u baahantahay bar-baro gool la’aan ah si ay isaga xaadiriso Final-ka tartanka champions League.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa ku qabsan in ay dhaliso gool hadii ay doonayso in ay hesho fursad ay ciyaarta dib ugu furto korna u qaado fursadeheeda iska xaadirinta final-ka tartanka.

Shaki la’aan cid walba waxa ay garanaysaa taarikhda Tababare Zinedine Zidane ee champions league isaga oo 3 jeer oo xidhiidh ah ku hogaamiyay Real Madrid koobka.

Laakiin marka laga hadlo taariikhda kulamada Zidane iyo Tababaraha chelsea ee Thomas Tuchel waxa ay wal-wal ku tahay kooxda Los Blancos iyo rajadooda gaadhista final-ka tartanka champions League.

Taariikh ahaan Zidane ayaa Ka hor tagay Thomas Tuchel 5 jeer champions league isaga oo laba kulan kaga hor tagay isaga oo tababare u ahaa Borussia Dortmund, laba kale tababare u ahaa PSG hal kulana tababare u ahaa chelsea kaas oo ah kulankii lugtii hore ee tartanka xilli ciyaareedkan.

Arinta wal-walka ku ah Real Madrid ayaa ah in uu Zidane dhamaantood ku fashilmay in uu hal guul xitaa ka gaadho Tababare Thomas Tuchel taas sabab u noqon karta in ay Real Madri caawa ka hadho champions league.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*