Xitaa Hadii Uu Virgil Van Dijk Joogi Lahaa Real Madrid Ayaa Badinaysa.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa ka hadlay kulanka ay Kooxdiisii hore caawa la ciyaari doonta kooxda Real Madrid kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan lugta 2-aad ee champions League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u baahan in ay gaadhaan guul 2/0 ah hadii ay doonayaan in ay u soo baxaan wareega xia ee champions League kadib markii 3/1 looga soo badiyay kulankii hore.

John Barnes oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aniga ahaan Real Madrid ayaa ugu cad-cad in ay u soo baxdo wareega xiga”.

“Xitaa hadii uu Virgil Van Dijk joogi lahaa Real Madrid ayaa badinaysa”ayuu sii raaciay.

“Anigu ma arko fursad ay Liverpool ugu soo bixi karto sababta oo ah Real Madrid ayaa haysata fursada ugu fiican”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*