Xilli Ciyaareedka Man United Oo Gaadhay Halkii Ugu Hosaysay & Dhacdo Tababarka Ka Dhacday Oo La Ogaaday.

Dhamaadka xilli ciyaareedka Man United ayaa gaadhay halkii ugu hoosaysay kadib markii laba xiddig oo kooxda 1-aad ah dirqi lagu kala qabtay intii ay kooxdu ku jirtay tababarka.

Dhacdadan ayaa timid marxaladihii ugu dambeeyay ee tababarka kooxda ee khamiistii sida ay sheegayaan wararku.

Labada xiddig ayaa dirqi lagu kala qabtay iyada oo xiddigaha kale ee kooxdu soo kala dhex galay iyada oo soo afjartay tababarka kooxda laguna amaray xiddigaha in ay aadaan qolka Labiska.

Ralf Ragnick ayaa xiddigaha Man United siiyay fasax 4 maalin ah kadib guuldaradii 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay Brighton sabtidii hore.

Man United ayaa Axada ciyaari doonta kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyaga oo la ciyaari doona kooxda Crstal Palace waxana ay ku dhamaysan kartaa kaalinta loogu soo boxo Europa Conference League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*