Xidhiidhka Kubada Cagta Czech Republic Oo Beeniyay Rikoodhka Cristiano Ronaldo Ee Cusub.

Xidhiidhka kubada cagta Czech Republic ayaa beeniyay in uu xiddig kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo jabiyay rikoodhka goolasha Halyeeyga reer Czech Republic ee Josef Bican.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa kulankii Napoli ee Italian Super Cup dhaliyay goolkiisii 760-aad ee xirfadiisa ciyaareed taas oo keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta waliba dhaafay halyeeyga reer Czech Republic ee Josef Bican kaas oo leh 759 gool

Laakiin xidhiidhka kubada cagta ee Czech Republic ayaa beeniyay in uu Cristiano Ronaldo jabiyay rikoodhka Josef Bican ee goolasha ugu badan kubada cagta.

Xidhiidhka Czech Republic ayaa warbixin ku soo saaray in uuna xiddiga Josef Bican dhalin 759 laakiin dhaliyay 821 gool xirfadiisii ciyaareed sidaas darteed uuna Ronaldo wali jabin rikoodhkiisa.

Beeninta Rikoodhka Cristiano Ronaldo ayaa imanaya todobaadyo kadib markii kooxda reer Brazil ee Santos beenisay rikoodhkii xiddiga goolasha ugu badan u dhaliyay koox kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*