Xidhiidhka England Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Gareth Southgate Ka Hor Kulanka Germany.

Xidhiidhka kubada cagta England ayaa xaqiijiyay in ay doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate xitaa hadii xulka laga reebo tartanka Euro 2020 kulanka Germany.

Xulka England ayaa kaalinta 1-aad kaga soo baxay Group-kooa waxana uu Salaasada la ciyaari doona xulka Germany kulanka wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Heshiiska tababare Gareth Southgate ayaa dhici doona xagaaga 2022 laakiin xidhiidhka ayaa doonaya in ay tababaraha ka saxiixdaan heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2024 ah.

Madaxweynaha xidhiidhka Kubada cagta England oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Gareth Southgate waxa uu qabtay shaqo fiican, waxana uu xulku ku soo baxay kaalinta 1-aad ee Groip-ka waxana uu shaqo fiican ka qabtay garoonka gudihiisa iyo dibadiisa”.

“Waxa aan Gareth Southgate la garab taaganahay taageero 100% ah waxana aan doonaynaa in aan heshiis cusub ku abaalmarino wax walba oo dhaca tartanka Euro 2020”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*