Xiddigo Xulka Ingiriiska Oo Dil Loogu Goodiyay Xilli FA-da Soo Hadal Qaadeen Ganaaxyo Jiraya

Ururka kubadda cagta Ingiriiska ayaa canbaareeyay falkii cunsurinimo ee lagula kacay ciyaartooy ka tirsan qaranka Ingiriiska ka dib guul-dardii Italy

Italy ayaa koobka qaramada yurub xalay waxa ay rigoorayaal kaga qaadeen Ingiriiska ka dib markii waqtigii caadiga ay ku dhameysteen min hal .

Rashford , Sancho iyo Sako ayaa qasaariyay rigooradii ay laadeen , waxa ayna ka dib laacibiintaas baraha bulshaada kala kulmeen cunsuriyeen weyn.

Ciwaanadooda ayaa loogu diray qoraalo cusnurinimo ah xilli comments-ka loogu reebay calaamadda daanyeer

Qaarkood kaliya calaamadda mooska ayay reebeen , waxa ayna ururka kubadda cagta ingiriiska tilmaameen in ay aad uga xun yihiin dhacdooyinkaas

“Waxaa jireysa ciqaab adag ee ay la kulmayaan shaqsiyaadka sidaas sameeyay , baaritaano ayaan wadna” ayay sii raaciyeen

“Waxaan shirakadaha Instagaramka iyo baraha kale ka dooneynaa in ay ay akoonada ka xayiraan dadka sameynaya faalka cunsurinimo”.

Warka waxa  uu intaas ku darayaa in sedexdaas ciyaartooy loo diray fariimo loogu goodinayo in la dilayo

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*