Xiddigo Muhiim Ah Oo Liverpool Ka Maqan Kulanka Leicester City

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa shaaca ka qaaday in  xiddigihiisa kala ah Henderson iyo Aralond aysan ciyaareyn kulanka Leicester City ee  horyaalka

Liverpool axaa axadda marti gilineysa kooxda Leicester City  oo ay wada leeyihiin kulan ka tirsan wareegga 9-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Kulan wareed ayuu Klopp ka yiri”  labada laacib kulankaas ma heli karno , arinta waa ay caddahay”.

Waxa uu intaas sii raaciyay ” Alcantara iyo Fabimho  xaalkooda waa wacan yahay sidoo kale waxaa arintaas la qaba Chamberlain , run ahaantii waxa ay  dhaw yihiin in ay soo laabtaan”.

” Waa wax xanuun badan  marka dhibaato dhaawac ay kaa haleesho qeybta daafaca  sidaas oo ay tahay ma dareemeyno wax cabsi” ayuu sii raaciyay klopp

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*