Xiddigo Muhiim Ah Oo ka Maqnaan Doona Arsenal Kulanka Caawa Ee Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa la kulantay war xun saacado ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Liverpool Lugta 1-aad ee Semi-final-ka Carabao cup-ka ka dhici doona Anfield.

Arsenal ayaa waayi doonta adeega xiddigaha Martin Odegaard & Emile Smith Rowe kulanka ay caawa la ciyaari doonto kooxda Liverpool ee ka tirsan Carabao cup-ka.

Xiddiga Emile Smith Rowe oo seegay kulankii FA Cup-ka ee Nottingham forest ayaa kulanka Liverpool ku seegi doona dhaawac gumaarka ah oo uuna wali ka soo kabsan.

Sidoo kale xiddiga Martin Odegaard ayaa seegay tababarkii khamiistii sidaas darteed waxa laga reebay gabi ahaan kulanka ay booqan doonto kooxda Liverpool.

SIdoo kale Arsenal waxa ka maqnaan doona xiddiga Takehiro Tomiyasu kaas oo dhaawac kuraanta ah kaga maqnaan doona kulanka Liverpool ee kooxdiisa caawa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*