Xiddigo Kaligood Ka Goolal Badan Arsenal Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn guul gaadhay premier League todobaadkan kadib markii ay garaacday kooxda Norwich City kulan ay dhaliyeen gool kaliya sidaasna ku gaadheen guul muhiim ah.

Arsenal ayaa guul 1/0 ah gaadhay sidaasna ku gaadhay guusheedii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay horay ula kulantay 3-dii kulan ee hore.

Kadib goolka ay guusha ku gaadhay waxa jira 20 xiddig oo kaligood ka goolal badan Arsenal tan ilaa markii uu bilowday xilli ciyaareedka premier League 4-tii kulan ee la ciyaaray.

Xiddigaha Michail Antonio, Bruno Fernandes, Dominic Calvert-Lewin, Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah ayaa ka mid xiddigaha kaligood ka goolal badan kooxda Arsenal ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*