Xiddigii Uu Mikel Arteta Ka Caydhiyay Arsenal Ee William Saliba Oo Abaalmarin Ku Guulaystay.

Xiddigii uu Mikel Arteta ka caydhiyay Arsenal ee William Saliba ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga da’yarka ah ee ugu fiican horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xlli ciyaareedkan.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa 27 milyan ugu biiray Arsenal sanadkii 2019 laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu xitaa hal daqiiqo u ciyaaro intii uu Arteta hogaaminayay kooxda.

Xagaagii hore ayuu Arteta go’aansaday in uu Saliba iska diro isaga oo u ogolaaday in uu amaah ugu biiro kooxda Marseille halkaas oo uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Axadii ayaa Saliba loo magacaabay da’yarka ugu fiican Ligeu 1 ee xilli ciyaareedka waxana abaalmarinta gudoonsiiyay xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Djibril Cisse.

Dhanka kale Arsenal ayaa dhibaato difaac ku jirta ka hor kulanka Newcastle United iyada oo uu Arteta xiddigo khadka dhexe ah ka ciyaarsiin kara difaaciisa kulanka caawa.