Xiddigii Ugu Horeeyay Oo Tijaabada Caafimaadka U Maray Kooxda Tottenham

Xiddiga Pierre-Emile Hojbjerg ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Tottenham maanta oo Isniin ah ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa.

Xiddiga reer Denmark ayaa joogay garoona tababarka Tottenham isgaa oo la aaminsanyahayin uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda.

Pierre-Emile Hojbjerg ayaa la filayaa in uu Tottenham ugu biiro lacag dhan 15 milyan oo euro taas oo kor ugu kici doonta 20 milyan oo euro.

Pierre-Emile Hojbjerg ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee Jose Mourinho ee xagaagan xilli uu doonayo in uu dhiso koox u tartanta koobabka xilli ciyaareedka dambe.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*